Dhibatoyinka Germany yaal🇩🇪. Gabadhan wxa lagu magacaba “habiibo Aadow” waa hooyo soomaliyed oo Dagan Dalka Germany noloshana waxyalo bdn ka qabsatay (Dadaashay). Maalin ka hor aya dhoolacadeynti hooyo habiibo mar kaliya murugo ay isku badeshay wxy la kulantay dhibato taaso Damqeysa Qofkasta oo Samoli ah Qurabahana jooga. Qof cunsuriya oo u dhashay Dalka Germany aya Email Polizei u qoray isago marka iska dhigaya hooyo habiibo isticmalayana Adderskeda io magaceda isago leh Aniga io caruurtaydu wan is dilayna ha nalaga soo gaadho. Isla markiba Polizei aya gurigi imid iyago Albaabka io Daqadaha guriga so jabiyey si arxan darana u galay hooyo habiibo Adow. Somalida Qurabaha ku sugan siiba Germany ha isku badnadan xaldu marba mrka kasi Daneysa wey sii xumaneysa isku daya inan la Ogan Email-da ama waxyalaha privatka idin ah . Ismail Mohamed .
Jabuuti oo Itoobiya Siineysa Dakad Ay iyadu Maamusho 100%
Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti oo wareysi siiyay BBC NEWS ayaa sheegay in uu dalkiisu siinayo Itoobiya, deked ay 100% maamulkeeda leedahay Itoobiya, xadka labada dal wadagaana u jirta wax kayar 100KM, taas oo uu sheegay in ay Jabuuti balan qaadayso. Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ay tan u sameynayaan si loo soo afjaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in MW Geelle ka shaqeynayo xal kama dambeys ah oo ay gaaran Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo Xassan Sh iyo Abiy Axmed kula kulmi doona dalka Shiinaha si xiisada loo damiyo. Dhawaaqa Jabuuti ee Yabooha dekeda ay siinayaan Itoobiya ayaa soo baxaya, xili xiisada diblumaasiyada ee Soomaaliya & Itoobiya sare u kacay, oo uu saameeyey daganaanshaha Geeska Afrika.
Itoobiya oo Kacabaaday Somalia
Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya oo shir jaraa’id kuqabtay magaalada Addis Ababa, goor dhaw ayaa ka hadlay xaalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo hadlayay 18 daqiiqo ayuu soo qaaday 4 qodob. - Xogta wada hadalka Ankara iyo Nairobi, ayuu sheegay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen xal, balse sababaha
loo heshiin wayay ay kamid tahay ergada ay dirsatay Soomaaliya oo uu ku eedeeyey Tayo xumo iyo xalalka oo uu sheegay in ay balaarinayeen oo ay abuurayeen
Wax aan meeshaba oolin. - Madaxda DFS Iyo xubnaha wada hadalka loo diray ayuu kusifeeyey kuwa aan dawladnimo waxba ka aqoon una dhaqmaya sidii in ay NGOs yihiin, go’aanada Soomaaliya ayuu sheegay in aysan dawladnimo shaqo ku laheyn oo ay madaxdu yihiin kuwa Activistayaal ah. - Itoobiya ayuu sheegay in ay Soomaaliya u hurtay wax kasta, dhiig loo dhintay,
lacag & hub si nabada & dawladnimada loo saldhigo, laakiin ay Muqdisho ay abaal celin sameyn weyday, madaxduna u dhaqmayaan sidii dad suuqa jooga, oo aan go’aan dawladeedba eegeyn. - Argagixisada Soomaaliya, ayuu kusifeeyey in ay noqotay Kooxaha ugu taajirsan ee Caalamka joogta, wuxuu sheegay in
Itoobiya ay si adag ula dagaalantay oo ay ka shaqeysay in meesha laga saaro, laakiin madaxda Soomaalidu aysan daacad ka aheyn la dagaalankooda oo ay mar kasta ka shaqeeyaan wax aan Argagixisada soo afjareyn. - Imaanshaha Masar ayuu sheegay in aysan maslaxo iyo dan midna u aheyn Soomaaliya iyo Gobalka Geeska Afrikaba, Itoobiya ayuu sheegay in ay indhaha kuhayso dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in aysan caafimaad qabin, oo aysana gacmaha ka laaban doonin.
Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay mudo kordhinta 2-da sano ah ee loo sameeyey howlgalka QM ee UNSOM oo hadda magaca laga bedelay loona bixiyey UNATMIS, sida ku cad warqadan ay heshay DFS ayaa horey u dalbatay in meesha laga saaro xaafiiska UNSOM, lana xiro oo shaqooyinkiisa lagu wareejiyo Dawladda Soomaaliya, laakiin taas UNSC ayaa diiday. Mashruucyada AMISOM, UNSOM, ATMIS, UNATMIS, AUSSOM, ayaa magacyada uun labedelaa.
0 Comments