Kuwani waa wararkii ugu muhiimsanaa ee labada barnaamij ee duhurnimo iyo habeenimo ku baxay; — Ukraine ayaa maanta weerarkii ugu weyn taariikhda ku qaaday magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka , xilli ay guulo ka gaaranayaan ciidan Ukraine duulaan dhinaca dhulka ah oo ay ku gaareen dhul
badan oo ku yaalla gudaha Ruushka ee gobolka Kursk. Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta warsaxaafadeed ka soo baxay waxay sheegtay in ciidamada difaaca cirka ee Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo
dul heehaabayey magaalada Moscow iyo gobolka ku xeeran, iyadoo qaarkood la sheegay inay ku soo dhaceen magaalada Podolsk oo 38km koonfur ka xigta aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka. "Tani waa mid ka mid ah isku daygii ugu weynaa ee abid lagu weeraro Moscow , iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin ayaa ku yiri. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan oo muujiyay sida uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine u galay marxalad xasaasi ah. Dhinaca kale , Dmitry Medvedev, oo ah ku xigeenka madaxa golaha ammaanka ee Ruushka, ayaa sheegay in duulaanka Ukraine ee gobolka Kursk ee Ruushka ay ka dhigan tahay in aanay wax wada hadal ah dhexmari doonin Moscow iyo Kyiv ilaa Ukraine laga adkaado. - Ciidanka Israa’iil ayaa maanta soo saaray amar la xiriira in dadka deggan aagagga bartamaha Gaza ee Deir el-
Balah oo u dhow Khan Younis ay isaga baxaan sababo la xiriira inay ballaarinayaan howlgallada ay halkaa ka fulinayaan. Amarkan ayaa ku soo aaday xilli Wasaaradda caafimaadka Qasa ay ku sheegtay warbixintii u dambeysay ee maanta in 24 kii saac ee la soo dhaafay duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayo Qasa lagu dilay 50 falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen
in ka badan 124 qof oo ay ku jiraan carruur iyo haween. - Israa’iil ayaa maanta duqeyn ay ka geysatay xaafadda Villa ee magaalada Siidoon ee koonfurta Lubnaan, waxaa ay ku dhishay mid ka mid ah saraakiisha sare ee dhaqdhaqaaqa Xoreynta Falastiin ee Fatax garabka Lubnaan, Khaliil Al-Maqdah oo la dhashay hoggaamiyaha garabka Fatax ee Lubnaan, Muniir Al-
Maqdah. Garabka militari ee Fatax oo loogu yeero shuhadada Al Aqsa ayaa ka tacsiyeeyay geerida sarkaalkan, iyadoo xilli horaba lagu sheegay in dilkan uu xiisad ka kicin karo Daanta Galbeed ee la heysto ee Falastiiniyiinta, wuxuuna dilkan noqonaya midkii ugu horreyay oo sarkaal militari oo daro sare heysto lagu dilo weerar ay geystay Israa’iil oo si dhaqso ah
mas’uuliyada weeerarka u sheegatay. Muniir Al-Maqdah, hoggaamiyaha garabka Lubnaan ee dhadhaqaaqa Fatax iyo walaalkiisa maanta la dilay ayaa maalmihii u dambeeyay waxay Israa’iil ku eedeynaysay inay hub iyo walxaha qarxa soo geliyeen dhulka Falastiiniyiinta , taaso aan la caddeyn sida ay ku dhacday, balse dilkan ayaa ku soo aadaya xilli gudaha
Lubnaan ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan ururka Xisbullah oo ku hanjabaya inay weerar aargoosi ah oo baaxad weyn ku qaadayaan Israa’iil si ay uga jawaabaan dilkii Bayruut ee hoggaamiyayahoodii militari. — Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Anthony Blinken ayaa soo gabagabeeyay socdaalkii 9 aad ee toddobaad uu ku yimid bariga dhexe ka hor inta
uusan ka dhoofin Dooxa, wuxuu maanta sheegay isagoo ka hadlaya dadaallada lagu raadinayo heshiis xabbad-joojinta Qasa, "waqtigu wuu sii dhammaanayaa" si loo gaaro xabbad joojin laga sameeyo Qasa. — Dadaalladii lagu raadinayay heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaca Qasa, ayaa u muuqda kuwa burburi kara, sida ay sheegtay shabakadda Politico oo ka soo xigatay
saraakiil Mareykan iyo Israa’iil in soo jeedintii ay dejiyeen dhaq dhexaadiyayaasha Masar, Qatar iyo Mareykanka inay noqotay mid ay iska diidday Xamaas, mana jirto heshiis kale oo miiska saran,taa oo warbixinta lagu sheegay inay ka dhalan karto burbur ku yimaada wada-hadallada oo horseeda sare kac ku yimaada xiisadda gobolka, sababo la xiriira in Iran ,
Xisbullah iyo xulafada kale ay qaadi karaan weerarrada ka dhan ah Israa’iil. Sarkaal aan la magacaabin oo ay soo xigatay shabakadda Politico, ayaa u sheegay “haddii aynaan helin heshiiska, waxaa jirta suurtagalnimada in Iran ay weerarto Israa’iil , tanina waxay isu beddeli karta iska horimaad buuxa oo gaari kara gobolka oo dhan.” — Waxaan ku jirna wararkii
bariga dhexe, haddii aad is waydiin jiray tan iyo markii hoggaanka Xamaas uu la wareegay Yahye Al Sinwar, sidii loo hela farrimaha ka imaanaya iyo go’aamada xafiiska ee dhankiisa ka soo baxaya ee la soo gaarsiinayo dhex dhexaadiyayaasha raadinaya heshiis xabbad joojin ah, wargeyska Wall Street Journal ayaa soo bandhigay baaritaan uu sameeyay oo la xiriirta sida
dhex dhexaadiyayaasha muddadii uu socday wada-hadalladii Doha lagu gaarsiin jiray Yaxye Sinwar go’aamada wada-xaajoodka iyo sida uu jawaabtiisa usoo celin jiray. Warbixinta baaritaanka ah ee wargeyska ayaa lagu sheegay in dad kala duwan oo goobo kala duwan oo Qasa ah ku sugan inay soo gudbin jireen farriimaha ka imaanaya madaxa xafiiska siyaasadda xamaas, Yaxye Sinwar oo ku sugan
godadka dhulka hoostiisa ku yaalla ee Qasa, qofka farriinta loo dhiibayo iyo kan qaadaya dib looma arki jiray , waxaana jawaab celinta soo gudbin jiray qof kale, iyadoo tan looga danleeyahay inaysan Israa’iil oggaan halka ku suganyahay Yaxye Sinwar oo ah qofka ugu muhiimsan Xamaas waqtigan ee muddada dheerna ay baadi goobayeen. Warbixinta Wall Street Journal, ayaa
sidoo kale lagu sheegay in la arkay isbeddelo waa weyn oo amni oo ka jira gudaha Qasa oo ay sameysay Xamaas, nidaamka howlgalka iyo dhaqdhaqaaqyada ayay sheegeen in la beddelay taa oo u muuqata istiraatijiyad cusub oo xubnaha muhiimka ah ee Xamaas uga fogaanayaan inay Israa’iil beegsato. — Haatana Iran, warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo
baxay howlgalka Qaramada Midoobay ee Iran oo ay baahisay Al Jazeera ayaa lagu sheegay in mar kasta oo ay Israa’iil ka jeediso indhaheeda raadaarka la socda dhaqdhaqaaqa hawada inay la kulmi doonaan weerarro ka yaabiya oo ka imaanaya dhinaca iran,iyadoo warsaxaafadeedka uu intaa ku daray “Waqtiga iyo qaabka ay Iran uga jawaabeyso si taxadar leh ayaa loo
qorsheyn doonaa si loo hubiyo inay dhacdo daqiiqad la yaab leh.. Jawaabtayada waa in la xisaabiyaa si looga fogaado wax kasta oo saameyn xun ku yeelan kara xabbad-joojinta suurtagalka ah ee Qasa. "Israa’iil waa in lagu ciqaabaa falkii argagixisanimo iyo ku xad gudubka madaxbanaanida qaranka Iran." Warsaxaafadeedka iyo hadalladii 24kii saac ee la soo dhaafay ka yimid saraakiisha ilaalada kacaanka iran, ayaa dib usoo
cusboonaysiiyay hanjaabada iran ee la xiriirta inay fulin doonaan weerarro ay uga jawaabayaan dilkii fadeexada ku noqday ee Ismaaciil Haniyeh. — Hay’adda Nabad Suggida ee Istanbuul ayaa soo bandhigtay faahfaahin ku saabsan dilka ganacsade Falastiini ah oo ka dhacay labo habeen ka hor magaalada Istanbul. Waxaa xilligaas warbaahinta laga sheegay in laga yaabo in
Mossad ay ka dambeyso arrintan Agaasinka Amniga Istanbul , ayaase sheegay in dhacdadan ay la xiriirto is qabqabsi dhaqaale oo u dhaxeeyay koox Falastiiniyiin ah. Dembiilayaasha dilka geystay ayaa la sheegay inay u suuragashay si deg deg ah inay uga baxaan dhulka Turkiga , balse howlgal ay sameysay hay’adda
sirdoonka Turkiga ee MiT, oo warbixinta ragga weerarka geystay la wadaagtay ciidanka booliska adduubka ee Interpol, waxaa gacanta lagu soo dhigay ragga weerarkan ka qeybqaatay iyagoo ku sugan Romania, waxaana la keenay Turkiga. -- Iran ayaa soo saartay digniin la xiriirta dhoola tus militari oo bariga dalkaa ka dhacaya Khamiista berri ee 21 Agoosto, dhoolatuska ayaa ku kooban gantaalada ridddada dheer iyo kuwa ridda dhexe, iyadoo warbixinnada ay intaa ku darayaan
dhoolatuskan inay la qeybqaadanayaan nidaamka difaaca Ruushka ee dhowaan qeyb ka mid ah la gaarsiiyay Iran, kuwaaso la sheegay inta uu dhoolatuska socdo in loo howlgelin doono inay ka jawaaban oo ka hortagaan gantaalada. Dhaqdhaqaaqa hawada ee bariga Iran ayaa la xiray inta uu dhoolatuska socdo . Dhoolatuskan ayaa qeyb ka ah labadii toddobaad ee u dambeysay dhoolatus ay sameynayeen ciidanka Iran, tan oo ku soo aadaysa xilli ay Iran ku
hanjabayso inay qaadi doono weerarro jawaab u ah dilkii madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo howlgal ka dhacay Tehran 30 bishii July. Inta aanan ka bixin wararka Iran , Laamaha ammaanka Iran ayaa hadda soo gaba gabeeyay baaritaankii ay ku hayeen diyaaraddii Helicopter-ka ahayd ee sababtay dhimashada Madaxweynihii hore ee dalkaasi Ebrahim Raisi bishii May, iyadoo la go’aamiyay in shilkan uusan ahayn mid ka yimid dibadda ama uu ahaa howlgal qaarijin ah, balse taasi bedelkeeda uu ahaa shil ka dhashay xaalad cimilo oo daran. Dhinaca kale,
Baarlamaanka Iran ayaa ansixiyay haweenayda Farzaneh Sadegh ay noqoto wasiirka cusub ee waddooyinka iyo horumarinta magaalooyinka. Waa haweeneydii ugu horreysay ee qabta jagada wasiir ah tan iyo 1979-kii dalka Iran. — Wasaaradda anshaxa ee dawladda Afgaanistaan ee ay hoggaamiyaan Taalibaan ayaa shaqada ka saartay 280 xubnood oo ka tirsan Booliiska iyo hay’adaha dawladda, kuwaaso la sheegay inay ku guul-darreysteen inay la baxaan garka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa warbixin ka soo baxday Wasaaradda ka-hortagga xumaanta iyo faafinta wanaagga ee Afgaanistaan.
Sidoo kale , waxaa la xiray in ka badan 13,000 oo qof oo ku sugan Afgaanistaan kuwaaso lagu eedeyay falal anshax xumo ah” sanadkii la soo dhaafay, saraakiisha ayaa sidaas sheegay maanta.Wasaaradda ka-hortagga xumaanta iyo faafinta ee Afgaanistaan ayaa sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in dadkaa Inta badan la sii daayay, markii loo sameeyay dhaqan celin. Mohibullah Mokhlis, oo ah agaasimaha qorsheynta iyo sharciga ee wasaaradda, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay
in sidoo kale la burburiyay 21,328 qalab muusig sannadkii la soo dhaafay, ayna ka hor istaageen kumannaan ka mid ah shirkadaha kombiyuutarrada inay ku iibiyaan suuqyada filimada “anshax-xumada ah, tallaabooyin oo dhan wuxuu sheegay in la waafajiyay shareecada Islaamka. — Hoggaamiyayaasha militariga ee maamulla dalalka galbeedka Afrika ee Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa qoraal wadajir ah maanta u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , iyagoo
cambaareeyay wax ay ugu yeereen taageerrada ay Ukraine siinayso ururrada fallaagada ee gobolka Saaxil oo ay qeyb ka tahay koox cusub oo lagu magacaabo Isbahaysiga Dawladaha Sahel. Warka wadajirka ah ee saddexdan wadan ayaa ku boorriyay 15 xubnood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay "qaadaan mas'uuliyadda" ficillada Ukraine iyo inay ka hortagaan "falalka qaran-dumiska" ee khatarta ku ah gobolka iyo qaaradaha. Tani waxay timid ka dib markii afhayeenka hay'adda sirdoonka ee milatariga Ukraine uu sheegay in fallaagada Mali ay heleen "macluumaad lagama maarmaan ah" si ay u fuliyaan weerar bishii
July, xilligaasoo fallaagada ay sheegeen in ay dileen ugu yaraan 84 calooshood u shaqeystayaal ah oo Ruushku taageero iyo 47 askari Mali maalmo dagaal ba'an socday, taaso soo muujiyay xiriirka fallaagadan iyo Ukraine . Waxayna u muuqata taageerrada Ukraine inay ka dambeysa kaddib markii hoggaamiyayaasha militari ee Burkina Faso, Mali iyo Niger ay taageerreen Ruushka oo saldhigyo militari ka siiyeen dhulkooda. —
Dawladda Itoobiya ayaa ka mamnuucday dhammaan safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah in ay la soo degaan baabuurta shidaalka iyo naaftada ku shaqeeya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya , waxaa lagu sheegay ; “ Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan xafiisyada dublamaasiyadda iyo qunsuliyadaha, hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ku sugan Addis Ababa in iyadoo la eegayo caqabadaha adag ee ka dhalan kara isbeddelka cimilada iyo sida ay Itoobiya uga go’an tahay inay gacan ka geysato dhimista qiiqa hawada iyo u gudbidda tamarta la cusboonaysiin karo, in la mamnuucay soo dejinta gaadiidka isticmaalaya shidaalka. (Baatroolka iyo Naaftada).”
0 Comments