LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka maanta 24/8/2024

Doorashooyinka puntland 

 Degmada XARFO ee gobalka Mudug, ayaa berri lagu qaban doonaa doorashada Duqa cusub degmada, oo ay iska dhex dooran doonaan Golaha Deegaanka ee shacabku doorteen 25 May, 2025, kaddib markii ay tuureen Duqii hore. Dhowr Musharax ayaa ku loolamaya doorashada Xarfo, iyadoo loollanka laga dhigay sanduukh furan, iyadoo aan loo eegeyn heshiiska 

xisbiyada siyaasadda ee ay kasoo kala baxeen xubnaha tartamaya. Cabdiraxmaan Xirsi Faarax oo kamid ahaa xisbiga KAAH, qeybna ka ahaa maamulka Xarfo ilaa intii ay ahayd degmada ayaa ugu cad cad tartamayaasha doorashada berri. Xarfo ayaa noqon doonta degmadii ugu horreysay ee qeybta ka ah 30 degmo ee doorashada qof iyo codka ah ka dhacday, ee 

 latuuray Duqeeda, kaas oo ku yimid heshiis siyaasadeed oo dhexmaray xisbiyada KAAH IYO MUSTAQBAL. Waxaan la filayaa in dhabbe ay u noqoto hannaanka lagu aadayo doorashada degmooyinka weli xaniban ee gobalka Mudug (Bursaalax iyo Jariiban) iyo saddexda degmo ee Nugaal ee dhowaan la doortay. Kilwe Media

Xiisadda Badda Cas 

Warbaahinta xiriirka la leh kooxda Ansar Allah ee Yemen ayaa baahisay muuqaal ay ku sheegeen "gubida markab laga leeyahay dalka Giriiga oo ku gubanaya badda cas, kaasoo jebiyay go'aankiAy Xuutiyiintu ku mamnuuceen lagu mamnuucay in latago Dekadaga Israa’iil ay haysato Falstiin ee la haysto." Xuutiyiinta ayaa bilaabay bishii sabtamber Holgalo Ka dahana Maraakiibta Xamuulka ee maraya Biyaha Badda Cas Badda carabta ee Israa’iil Xiriirka laleh.

Sayid-Cali Macalin Daa’uud 
Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo dilay Xaaskiisii Luul Cabdicasiis, isla markaasna labo jeer dil toogasho ah loogu xukumay ayaa maanta la horgeynayaa Maxkamadda Sare ee Soomaaliya taas oo aqbashay racfaankii uu ka qaatay xukunadii hore, kiiskan oo Muran badan kadhaliyey Baraha Bulshada Somalida ayaa ilaa iyo hadda taagan tahay Doodiisa ku aadan hannaanka loo wajahayo kiidka luul Cabdicasiis.

Kiiskan ayaa lagu han weyn yahay in lasoo gabagabeeyo bishaan aan ku jirno iyada oo maxkamaddu u faraysanayso kiiskan Xasaasiga ah sayid_Cali Ayaa U gaystay Xaaskii Dilkii kii ugu xumaa isaga oo intuu guri kusoo xiray kadibna dab qabad siiyey iyada oo uur u leh oo xaamila ah shacabka Soomaaliyeed ayaa u dhagtaagaya Maxkamadda Sare ee Soomaaliya taas oo aqbashay racfaankii uu ka qaatay xukunadii hore taas badalkeedna iyagu go'aan kagaari doonaan kiiskan.

Kenya oo laga helay xanuunka furuqa daanyeerka 

Kenya ayaa xaqiijisay labo kiis oo la xiriira fayruska hadda sida dhaqsada ah u faafaya ee Mpox, oo loo yaqaanno furuqa daanyeerka, kaddib markii laga helay labo nin oo Uganda ka yimid oo ah darawalada gaadiidka xamuulka ee u kala safra dalalka.

Dagaalka Gz 

Isbitaallada Israa’iil ayaa maanta ku jira xaalad feegignaan sare ah, kaddib weerarro iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa ay la beegsadeen ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa , kuwaaso ay ku jireen dhowr qarax oo ka dhacay aaggaga ay ku suganyihiin ciidanka Israa’iil ee bartamaha iyo koonfurta Qasa, sida ay sheegtay Al Jazeera oo intaa ku dartay in ugu yaraan shan diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah inay dhaawacyo gaarsiiyeen isbitaallada Israa’iil.

Markabka dagaalka ee Mareykanka oo xambaara diyaaradaha USS Abraham Lincoln ayaa hadda ka howlgalaya bariga dhexe , kaddib markii uu gaaray maalin ka hor , wuxuu leeyahay taariikh dagaal oo gobolka bariga dhexe ah qaar ka mid ah dagaalladii ugu caansanaa ee ka dhacay bariga dhexe ee uu ka qaybgalay waxaa ka mid ah dagaalkii koowaad ee

khaliijka iyo duulaankii Ciraaq ee 2003. Sidoo kale , sida sawirka ka muuqata Mareykanka ayaa hantidiisii ugu badan ee militari wuxuu keenay bariga dhexe , illaa uu maraakiibtiisa geeyay dhuunta gacanka Persian ee Iran. Fiiro gaar ah; Xiisadda bariga dhexe , mar kasta waa mid ku dhow khatar, illaa ay suragal tahay in Mareykanka uu weerarro ka geysto gobolka , taa oo ku xiran haddii duulaan xanuujiya Israa’iil ay la kulanto. 

Haddii fikradaadu tahay Iran ma qaadi doonto weerar…! aragtideyda Israa’iil oo weerar qaaday ayaan arki karna, iyadoo ku sii soconaysa weerarradeeda gobolka.


Post a Comment

0 Comments