Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaMuqdisho, Jimco, 18-ka October 2024
1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, isagoo tilmaamey in Soomaaliya ay cagta saartey waddadii horumarka.
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Somalia ku qaabilay Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda, Rosemary DiCarla,iyagoo ka wadahadley horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey iyo doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya.
3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.
4-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, iyo Madaxweynaha Masar ayaa kulan lagu xoojinayo iskaashiga saddexda dal ku yeeshay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee magaalada Asmara.
6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.
7-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha lagu xoojinayo kobaca dhaqaale ee dalka.
8-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October.
9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.
10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Fowsiya Bashiir Maxamed u magacaabay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
12-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.
13-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isagoo sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha.
14-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP).
15-Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.
16-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.
17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta, xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
18-Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho u fidineysa qaxootiga reer Sudan ee ku nool Soomaaliya.
19-Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa daah furay Barnaamijka U adkeysiga Nolosha Miyiga oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya.
20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya.
21-Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Shirweynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr.Cali Xaaji Aadam Ayaa Doha ka furay kulanka 71-aad ee (RC71) oo looga hadlay Hormarinta caafimaadka adduunka.
22-Wasiirka Waxbarashada, Mudane faarax Sheekh Cabdulqaadir oo booqasho ku tagey dalka Norway ayaa kulan la yeeshey Wasiiru-Dowlaha Hormarintu caalamiga ah ee Norway, Marwo Bjork Sandkjaer.
23-Hay`adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saarta ku sheegtey in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones) laga mamnuucey u isticmaalka agagaarka Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.
24-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa kulan la yeeshay Midowga Jaamacadaha dalka, iyagoo ka wadahadley Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo guddigu ku guda jiro diyaarinta warbixinta akhrintiisa labaad.
25-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira sare u qaadista awooda shaqa gudasha shaqaaalaha u soo xiray qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda.
26-Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.
27-Bayaan ka soo baxey Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka ayaa lagu mamnuucey soo dejinta bacda.
28-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile ee gobalka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xoogga Dalka ee Hawlgalka sifeynta Khawaariijta ka wada deegaanadda Galmudug iyo Hirshabeele
29-Taliyaha Ciidaanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa qaabiley Madaxda Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis lancinkas.
30-Guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa gacanta ku soo dhigay labo horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo ka hawlgalayey degaanadda Janaale iyo Shalambood ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka Caalamka
Khaliil Hayya, oo ah ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas ayaa ku dhawaaqay dhimashada hoggaamiyihii Xamaas, Yaxye Sinwar — wuxuu sheegay inay dileen ciidanka Israa’iil, isaga oo ku sifeyay inuu ahaa "mid adag, geesi ah oo aan cabsi lahayn", Hayya wuxuu yiri Sinwar "wuxuu naftiisa u huray xorriyaddayada…. wuxuu u dhintay si geesinimo leh, madaxiisa kor u taagaya, oo haysta hubkiisa, oo rasaas ku ridaya ilaa neefta ugu dambeysa, ilaa daqiiqada ugu dambeysa ee noloshiisa.”
Wuxuu caddeeyay in maxaabiista lagu haysto Qasa aysan dib u soo laaban doonin illaa ay Israa’iil joojiso weerarada ay ku geysanayso Qasa, ayna kala soo baxayaan ciidamadooda dhulka marinka Qasa.
Xamaas ayaa soo dhaweysay toogasho ka dhacday xadka Jordan iyo dhulka Falastiiniyiinta ee ay deganyihiin Israa’iiliyiinta. Inta u weerarkaa socday saddex askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dhaawacay, saddex nin oo la sheegay inay xadka Jordan ka soo gudbeena labo ka mid ah ayaa la sheegay in la dilay midka kalena wuxuu ka baxsaday ciidanka Israa’iil.
Warsaxaafadeedkan ayaa noqonaya midkii u horreyay ee Xamaas ka soo baxay tan iyo Inta ay Israa’iil shaacisay inuu geeriyooday Yaxye Sinwar, balse ma jirin wax hadal ah oo dhacadadaa la xiriira oo wali ka soo baxay dhinaca Xamaas.
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth ayaa goor dhow ku warramay in meydka Yaxye Sinwar oo ay Israa’iil sheegtay iska horimaad kadis ah oo ka dhacay koonfurta marinka Qasa in lagu dilay , hadda in loo qaaday goob aan la garaneyn , iyadoo warbixinta wargeyska lagu sheegay inay suragal tahay Israa’iil inay u adeegsato meydka Sinwar inay ku hesho maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas, waxayna ku soo daraysa wada-xaajoodyada is dhaafsiga maxaabiista.
Illaa hadda Xamaas, ayaa ku jirta aamusnaan aan horey loo arag maalintii saddexaad tan iyo Arbacadii oo ay sheegtay Israa’iil inuu ku dhintay Sinwar iska horimaad dhacay, ma jiro wax hadal ah oo ay Xamaas ka soo saartay nolashada iyo dhimashada Yaxye Sinwar.
Xiriirka Iran iyo Lubnaan ayaa ku dhow burbur, kaddib markii Ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati uu ku eedeyay Iran inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Lubnaan, wuxuuna u yeeray safiirkii u fadhiyay Lubnaan dalka Iran.
Arrintan waxay ka soo billaabatay markii guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf oo toddobaadkan booqday Lubnaan uu sheegay inay diyaar u tahay Iran inay kala xaajooto Faransiiska hirgelinta qaraarka Qaramada Midoobay ee khuseeya koonfurta Lubnaan. Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701, ee la ansixiyay 2006, ayaa ku baaqaya in xadka koonfurta Lubnaan laga fogeeyo hub ama ciidamo aan ka ahayn kuwa dawladda Lubnaan, iyada oo ujeedadu tahay in nabad lagu ilaaliyo
xuduudka Israa’iil, haddii qaraarkan la ansixiyana waa wax u dhigma inay Xisbullah ka bixi doonto aagga loo calaamadiyay inan hub lala soo geli karin, waana wax ku dhow hub ka dhigis lagu sameeyay Xisbullah. Balse, Mikati ayaa sheegay ka hadalka iyo wada xaajoodyada qaraarkaa la xiriira inay u taallo dawladda Lubnaan, isagoo markaa caddeeyay inaysan marna aqbaleyn inay Iran u dhaqanto inay maamusho dalka Lubnaan.
0 Comments