Jabuuti, 20, October, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.
Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS
Wararka Caalamka
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa markii u horreysay laga maqlay isagoo u sheegaya ciidanka militariga Shiinaha inay si buuxda ugu diyaar garoobaan dagaal, inta uu ku sugnaa saldhigga ciidanka militariga Shiinaha gaar ahaan guutooyinka soo saara gantaallada.
Hadalkan waxaa la maqlay toddobaadyo kaddib markii Shiinaha uu dhoolatus aan horey loo arag diyaaradaha iyo maraakiibka Shiinaha ay gudaha ugu galeen hawada iyo badda Taiwan, iyagoo soo bandhigay hab istiraatiji ah oo waqti kooban ay uga dhigi karaan jasiiradan meel ka go’doonsan adduunka.
Xuutiyiinta ayaa lagu warramayaa
tobannaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inay ku weerarreen Israa’iil, iyadoo kooxdu ku dhawaaqday toddobaadkan inay guda galeen wajiga shanaad ee howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa, iyagoo markan sheegay inay adeegsan doonaan hub cusub oo awood u leh inuu ballaariyo khasaaraha gaaraya Israa’iil.
Ciidanka Ruushka ayaa ka baxay inta badan deegaannada ku dhow dhulka ay Israa’iil heysto ee Suuriya, halkaa oo ay isku ballaarinayaan ciidanka Israa’iil. Tan waxaa xigtay inay hadda warbaahinta soo bandhigtay in Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al Assad uu ka dalbaday Iran iyo ururka Xisbullah inay hoos u dhigaan weerarrada ay ka qaadayaan gudaha Suuriya ee ka dhanka Israa’iil, isagoo u sheegaya ballaarinta weerarrada iyo dhaqdhaqaaqa Israa’iil inay soo dedejin karto iskuday xukunka looga ridayo.
Xamaas ayaa sheegtay raggii fuliyay howlgal lagu beegsaday askarta Israa’iil ee ka dhacay xadka Jordan iyo Daanta Galbeedka ee la heysto, halkaa oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka Israa’iil, inay ka mid ahaayeen ‘geesiyaasha howlgalka duufaanta Al Aqsa — inta uu weerarkaa socday waxaa lagu dhaawacay afar askari oo Israa’iili ah , waxaana iska horimaadkaa ku geeriyooday labo ka mid ah saddex nin oo hubaysan oo ka soo tallaabay xadka Jordan.
Afhayeenka guutooyinka Xamaas ee Cubayda, oo sidoo kale sheegay magacyada labada nin ee ku dhintay iska horimaadka ay xadka Jordan kula galeen ciidanka Israa’iil, ayaa tilmaamay inuu rajo weyn ka qabo ballaarinta weerarrada ay Israa’iil kala kulmeyso dhinaca Jordan.
0 Comments