LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka maanta 22/10/2024

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo safarro shaqo ku marayey dalalka gobolka ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa caawa gaaray dalka Kenya, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa, Mudane William Ruto.


              Puntland 

Garoowe: 21 Oct, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gudoomiyaha degmada Garowe, Agaasimaha Guud ee wasaarada Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha  ayaa dhagax dhigey wadada Jaamacadda Bariga Africa.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 630m, ayaa isku xirta Wadada weyn ee Garoowe iyo Buundada labaad ee magaalada waxayna hormartaa Jaamacadda Bariga Africa, waa Waddo muhim u ah isu socodka magaalada taasi oo hadii laami  laga dhigo waxbadan kusoo kordhinaysa caasimadda .

Dhismaha Wadooyinka cusub iyo dayactirka Kuwii horey loo dhisay ayaa si xawli ah uga socda caasimada Garoowe, waana qeyb ka mid ah qorshaha 

Dowladda hoose ee horumarinta adeega dadweynaha loo hayo, si Garoowe loogu diyaariyo Caasimad la jaan qaadaysa caasimadaha adduunka.



Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa xasuusiyay masuuliyiinta Degmooyinka, Garsoorka iyo laamaha Amniga gobolka  Raas Casayr in doonyaha sida sharci darada ah kaga kalluumaysanayey Xeebaha gobolka R/Casar la hor geeyo Garsoorka gobolka, Laguna qaado qodobada uu dhigayo xeerka Kalluumaysiga DPL 

                Wararka Caalamka 


Baraha internetka ayaa lagu wadaagay muuqaallada dagaalyahannada RFS oo soo bandhigaya macluumaadka diyaaradda ay ku soo rideen galinkii dambe ee maanta meel aan ka fogeyn xadka Suudaan iyo dalka Chad, gaar ahaanna gobolka ay ku xooganyihiin RSF 

ee Darfur , waxay u muuqataa diyaaradda inay tahay  nooca xamuulka qaada ee EX-76011, sida laga arkay burburka, hadda waxaa la sheegay inay ka diiwaangashan tahay oo laga leeyahay dalka Kyrgyzstan ee bartamaha Aasiya, balse 

duuliyayaasha iyo shaqaalaha ayaa Ruush ah, waxaana lagu xaqiijiyay baasaboorada iyo kaararka ay soo bandhigeen RFS. Balse waxa muhiimka ah waa in la sheegay inay sameeyeen khalad weyn dagaalyahannada RSF, sababtoo ah diyaradda ay soo rideen waxay waday shixnad u socotay isla RSF.

RFS , marka ay tooganayeen diyaaradan waxay u qaateen inay beegsanayaan diyaarad nooca Antonov oo ay weerarrada u adeegsadaan ciidanka militariga Suudaan oo duqeymo ka geystay deegaanka diyaaradan lagu soo riday.

Waa dhab Israa’iil waxay geysanaysa xasuuq iyo beegsiga hoggaanka iska caabinta , balse aan ku siiyo 24 saac gudahood dhacdooyinka aan horey loo 

qiyaasin oo gudaha Israa’iil ka dhacay; Mid ka mid ah dekedda ugu muhiimsan Israa’iil waa midda ku taalla Haifa, ayaa la jabsaday nidaamkii ay ku shaqeynaysay, waxaana shaqaalaha loo diray farriin argagax ku ridday, bartamaha 

Tel Aviv aagga ay ku taal safaaradda Mareykanka iyo goob ay dadku ku badanyihiin Xisbullah ayaa awooday inay gantaallo ku garaacdo, tani waxaa dhacdo weyn ka dhigaya in gantaallada ay ku dhaceen 

goobtaa aadka loo ilaaliyo iyadoo raadarrada laga arag nidaamka ka diga iyo midka difaacana uusan qaban, arrin kale, waa in si aan horey dagaallada loogu arag saddex meelood meel askarta militariga Israa’iil oo hadda tiro ahaan ku dhow hal milyan 

dagaallada looga saaray inuu ku dhacay cudurka dhimirka, wararka kale ee barnaamijkan ku jira; waa maxbuus Israa’iili ah oo lagu dilay Qasa, weerarro ka dhacay saldhigyada Israa’iil, doonista Israa’iil oo in dagaallada Qasa iyo Lubnaan la joojiyo iyo dhacdooyin muhiim ah; 







Post a Comment

0 Comments