Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cusmaan Gacal iyo Agaasimaha xafiiska Raktorateka Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed Mukhtaar Sheekh Maxamed oo howlo shaqo u jooga magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, ayaa ka qeyb galay shirweynaha caalamiga ah oo lagu xusayay sanadguuradii 2575-aad ee dhalashada Confucius, kaas oo sidoo kale ah shirweynihii 7-aad ee Ururka International Confucius Association (ICA),
Dhanka kale Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed DR. Xasan Cusmaan Gacal ayaa kulan la qaatay madaxda Jaamacadda Diraasaadka Dibadda ee Beijing (BFSU).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhaqangelinta heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn ah oo ay kala saxiixdeen labada jaamacadood. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Diraasaadka Dibadda ee Beijing ayaa iska kaashan doona deeqaha waxbarashada, is dhaafsiga ardayda iyo macallimiinta iyo fulinta mashaariicda cilmibaarista.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaanka ururka Haweenka Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.
Kulankan oo ay soo agaasintay guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ujeedkiisu ahaa in Duqa Muqdisho uu ka dhageysto warbixinno la xariira baahiyaha ay qabaan gabdhaha ururka haweenka iyo marxalaha ay ku shaqeeyaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haweenka Soomaaliyeed ku amaanay sida ay laf dhabar ugu yihiin horumarka dowladnimada, dib u-heshiisiinta iyo dib usoo kabashada dalka, isaga oo balan qaaday in sida ugu macquulsan uu wax uga qaban doono baahiyaha ay qabaan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan Boqol Dal ayaa ka hor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa, Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaae oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.
Shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.
Wararka Caalamka
Sucuudiga oo dhoolatus samaynaya
Ciidanka badda Iran iyo Sacuudiga ayaa dhoolatus wadajir ah ka sameyn doona badda cas, sida uu ka sheegay telefishinka dawladda Iran taliyaha ciidanka badda Iran, Shahram Irani.
Arrintan waxaa dhacdo muhiim ah ka dhigaya , inay tahay calaamad muujinaysa sida yar ee labada dal oo mar cadow isku ahaa ay usoo celinayaan xiriirkooda. Toddobaadkan wargeyska New York Times ayaa baahiyay maqal dheer oo ciwaan
looga dhigay ‘isbahaysiga bariga dhexe ee ay ka maqantahay Israa’iil’, wargeyska wuxuu sheegay wixii ka horreyay 7 Oktoobar sannadkii hore inuu socda dadaalka xiriir diblomaasiyadeed lagu raadinayay xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara Israa’iil iyo Sacuudiga , markaa oo ay go’doon la kulmi lahayd Iran, balse wixii ka dambeeyay dagaalka Qasa , waxaa dhismay xiriirka Riyadh iyo Tehran , oo
markan meesha ka saaray Israa’iil, iyadoo sarkaal Sacuudiyaan ah oo ku dhow boqortaayadda uu u sheegay wargeyska in labada dal ay marayaan hab ay ku tijaabinayaan daacadnimada xiriirkooda , haddii dhinaca Iran laga helana iskaashi dhab ah markaa Sacuudiga wuxuu soo bandhigo doonaa iskaashi iyo xiriir wadaag ah oo labada dal ah.
Iskaashiga Sacuudiga uu la yeelanayo Iran ayaa sidoo kale meesha ka saaraysa cabsida ay Boqortooyadda khaliijka ka qabto inay dhibaato kala kulanto kooxaha Iran ay taageerto oo ay ugu horreeyaan Xuutiyiinta, hadda horumarka ka
muuqanaya xiriirka labada dhinac wuxuu dhabar jab diblomaasiyadeed ku yahay Mareykanka gaar ahaan maamulka Biden ee dimuqraadiga oo iskudayay in heshiis taariikhi ah uu dhex dhigo Telaabiib iyo
Riyadh, balse inuu Mareykanka ku guul-darraystey joojinta dagaalka Qasa waxay burburisay diblomaasiyadiisa awoodda lahayd ee bariga dhexe , haddana Sacuudiga wuxuu ku adkeynaya kaliya inuu xiriir diblomaasiyadeed la sameyn karo Israa’iil marka ay aqoonsato dawladda Falastiin ee caasimad ay u tahay bariga Qudus, taa oo aysan dooneyn dhinaca Telaabiib.
0 Comments