Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa goor dhow ku dhawaaqday diyaaradaha dagaalka Turkiga inay duqeymo ka geysteen 32 bartilmaameed oo kooxda PKK ee Kurdiyiinta ay ku leeyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya , iyadoo sii socda duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Turkiga
Turkiga wuxuu ku eedeyay PKK inay fuliyeen weerarkii dhimashada iyo dhaawaca dhaliyay ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday xarunta warshadaha wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga oo ku taal duleedka Ankara
.Diyaaradda dagaalka Turkiga ayaa duqeymo ka wada bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq , oo la sheegay inay beegsanayaan xarumaha Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq. Ilaha amniga ee Turkiga ayaa laga soo xigtay weerarradan inay yihiin aargoosiga weerarka gelinkii dambe maanta lagu dilay 4 qof 14 kalena lagu dhaawacay , kaddib markii labo qof oo hubaysan ay weerarreen xarunta shirkadda wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga.
Hoggaamiyayaasha isbahaysiga dhaqaalaha ee BRICS oo shir madaxeedka sannad laha ah uu uga socda magaalada Kazan ee dalka Ruushka ayaa maanta kulan albaabada u xiranyihiin ka yeeshay nooca lacag cusub oo ay soo saarayaan oo ay wadaagayaan dalalka xubnaha ka ah ururka , si la mid ah lacagta dalalka Midowga Yurub ee Euro-da
Kulanka marka uu soo dhammaaday waxaa la arkay Putin oo gacanta ku sita lacag cusub oo ay dhexda uga jirto astaanta aasaasayaasha ururka , iyadoo kaddib ay baahisay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik in madaxweyne Putin la tusay nooca lacagta cusub ee illaa hadda la soo bandhigay si ay u noqoto lacag rasmi ah oo ay wadaagayaan waddamada BRICS, kaddib marka ay dalalku ansixiyaan.
Weerarka shirkadda warshadaha wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga , wuxuu horumarinaya qorshaha Erdogan ee uu ku doonayo inuu wax ka beddelo siyaasadda gudaha Turkiga , sababtoo ah kaddib weerarka waxaa la arkay codka midnimada Turkiga iyo siyaasiyiinta ugu caansan kurdida oo hadda sheegay inay taageerrayaan qorshe nabadda Erdogan.
Dabcan wuxuu ku fiican yahay Erdogan sida loo dhaliyo isbeddelada oo la isugu daba riddo bulshada, wuxuu jeedin doonaa khudbad, taa ayaanna ku maqli karna wax badan.
Hay’adaha amniga oo MiT ugu horreyso ma aysan soo bandbigin wali aqoonsiga labada qof ee weerarka fuliyay iyo warbixin ku saabsan weerarka oo aad faaf-reeb loogu sameeyay!
Israa’iil ayaa go’doon ku haysa maalintii 19 xerada Jabalia ee waqooyi marinka Qasa , iyagoo ka geysanaya duqeymo iyo weerarro arxan-darro ah oo ay xataa hor istaageen in la qaado dhaawacyada iyo meydadka waddooyinka yeela, sidoo kale dawada, cunada iyo biyaha ayay ka hor istaageen 100,000 oo dhaawac ku jira isbitaallada waqooyiga Qasa , ayaa halis ugu jira inay u dhintaan dhaawacyada, sida maamulka Qasa baahiyay.
Intaa kaliya ma aha waxyaabaha argagax leh ee halkaa ka dhacaya , waxay habeenkii dhigayaan xaafadaha iyo aaggaa ay dadku ku barakaceen ciidanka Israa’iil haamo u muuqda kuwa biyaha , qof kasta oo is dhaha biyo ka soo shubo iyo kooxaha gargaarka ayaa keenay, waxaa ku qarxaysa haanta marka daqiiqado ay biyo ka socdaan. Si ula kac ah ayaa qof haweenay ah ama carruur loo dhaawacaya kaddib marka tiro dad ah ay iskudayaan inay gargaar u fidiyaan bambooyinka Israa’iil ayaa ku dhacaya goobta.
Balse galinkii dambe ee maanta maxaa dhacay?
Weerar u muuqda mid ay ugu talagaleen Qasaam inay si toos ah ula dagaallamaan ciidanka Israa’iil ayay ku qaadeen taliska ama saldhigga guud ee ay ku suganyihiin ciidanka go’doomiyay xerada Jabalia waxayna ku qarxiyeen bambooyin taliska dhinac kasta looga hareereeyay oo ay xigtay dhaawacyada ciidanka Israa’iil inay toogasho ku dilaan Qasaam, iyagoo warsaxaafadeed ay ka soo saareen weerarka ku sheegay inay dhimasho iyo dhaawac oo ay weheliso gubista taangiyada iyo gaadiidka inay halkaa ka geysteen, sida ay baahisay Al Jazeera.
Muuqaal laga soo bandhigay ka hor inta aysan weerarka qaadin labadii qof ee mid haweenay ahayd oo gelinkii dambe ee maanta weerarray xarunta warshadaha wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga ,waxay isku muujinayaan lamaane wada socda . Markiiba gaari booliis ah ayaa goobta ka gudbay, laakin ma uu garanayo labadan qof inay dhar-baaxo weyn la doonayaan Turkiga, maaddama goobta la weerarray ay ka socoto horumarinta diyaaradda dagaalka ee jiilka shanaad oo noqonaya midda u horreysa ee uu soo saarayo Turkiga.
0 Comments